Fanaan Sharma Boy oo lagu xiray Garoowe + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay fanaan Sharmaarke Cabdinaasir oo la garan ogyahay Sharma Boy, kadib markii uu maanta barqadii shil ku galay duleedka magaaladaas.

Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaari uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo dumar ah iyo dhaawac. 

Sharma Boy ayaa loo haysta in uu mas’uul ka yahay shilkaas gaari, maadama uu wade ka ahaa gaarigaas oo ay saarneeyn koox fanaaniin ah.

Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

Gaashaanle sarre Maxamed Jaamac Aadan oo ah Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey asagoo xaqiijiyey xariga fanaanka, kuna gaabsaday inay dhawaan jawaab deg-deg ah kasoo saari doonaan baarista kiiskaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sharma Boy uu safarka ku wehlinayo saaxiibkii Maslax Mideeye oo muddooyinkii dambe si wada-jir ah u qabanayay bandhig faneedyada.

Shilka ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu fanaan Sharma Boy u tagay caasimada Puntland ee Garoowe, sidii ay ugu qaban lahaayeen bandhig faneed.