Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta siyaabo kala duwa uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, meelaha fogna laga hago.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degmada Dayniile, waxaana lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro, xilli ay marayeen laamiga dheer ee degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Ifis.

Gaariga la qarxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan ayaa waxaa soo gaaray burbur, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii la socotay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa laba askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ahaa ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaawacyada iyo maydadka kasoo qaaday halkaasi, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada Xamar.

Waa qaraxii labaad ee magaalada Muqdisho lagula eeganayao ciidanka cusub ee Boolis Milataari, tan markii lagu wareejiyay amniga Muqdisho, waxayna ahayd todobaadkii hore markii Cabdi Bile ay leeyihiin lagu qarxiyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale, qarax labaad ayaa lagu soo warramayaa inay fashliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo ay ku qarxiyeen gudaha dgemada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen qaraxa, isla-markaana uusan geysan wax khasaare ah.

“22-05-2023 Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.