Xildhibaan shaaciyay cidda loo waday hubkii la qabtay iyo FALCELIN ka dhalatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook-giisa ayaa ku shaaciyay xog la xiriirta hubkii maalmo kahor lagu qabtay gudaha dekedda weyn iyo garoonka Muqdisho.

Xidlhibaanka ayaa xusay in hubkan iyo saanaddda ciidan ee la qabtay loo waday SSC-Khaatumo, isaga oo dalbaday in loo fasaxo.

Sidoo kale wuxuu weerar ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo taliska NISA, isaga oo sheegay in ujeedkooda uu ahaa igu sawir, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka SSC. Halgan adag ayay ku jiraan agabkoodana waa u bahan yihiin haloosiidayo, Waxii la-isku sawirikaray waa laysku sawiray,!!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Dayax.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ‘Amniga iyo shaqada dadka loohayo ka-runsheegid ayay u baahan tahay, Cajiib waaye,”.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo isna hal eray soo qoray ayaa xildhibaanka ugu jawaabay ‘Af Khawaarij’.

Waxaa sidoo kale ka falceilyay arrintan guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo isna usii jawaabay wasiir Al-Cadaala.

“In qofkii hadlaba shabadda “Khawaarij” lagu dhufto waxay nuxurka ka qaadeeysaa dagaallan Khawaarijta lagula jiro, waxayna su’aal gelin doontaa qaarka khawaarij ka tirsan ee mustaqbalka la soo qaban doono” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cali yare Cali.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee haatan xafiiska jooga looga baahan yahay inay adkeysi u yeeshaan dhaliilaha loo jeedinayo

“Waxaa masuuliyad iyo ragganimo ah in dhaliisha adkeeysi iyo dul loo yeesho – waana nacasnimo iyo liidnaansho in masuuliyiin muddo (5) Shan sano ah banaanka iyo idaacadaha dhaliil la taagnaa ay muddo sannad ah u gegsan waayaan dhaliisha saaxiibada ka feker duwan.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali.

Dooddan ayaa ka dhalatay howlgal culus oo ay NISA ka sameysay garoonka iyo dekedda weyn, kaas oo lagu soo qabtay huba ay dowladda sheegtay in loo waday Al-Shabaab.