Faallo: Sidee looga hortagi karaa federalism-kan ku salaysan qabiilka ee ay ITOOBIYA riixeyso?‏!!

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa markan si dhab ah u soo muuqday wajiga rasmiga ee uu leeyahay nidaamkan federaalka ee ay Itoobiya dabada ka riixeyso, ka dib markii magaalada Garoowe lagu saxiixay isfaham dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Buntland, Kaas oo tilmaamayey in qaab beeleed loo kala qeybin doono gobolka Mudug. Tusaale ahaan, qeybta Waqooyi ee Gobolkaasi, Waxa ay ka sii mid noqon doontaa maamulka Buntland, halka qeybta Koonfureed oo ay u badan tahay beesha Hawiyana ay ku biiri doonto maamul goboleedka laga filayo Gobolada Dhexe.

 Arintani ayaa ahayd arin in mudda ah la sugayey afafka Siyaasiyiinta reer Buntland, oo ay caado u ahayd in ay wax kala qariyaan, Kuwaas oo maanta horboodayo mashruuca burburinta Soomaaliweyn ee ay Itoobiya in mudda ahba ka shaqeyneysay. Kulankii Garoowe, waxa uu runtii banaanka u soosaaray wixii in mudda ah laga qarinayey dadka Soomaaliyeed, Kaas oo ahaa dhismaha maamul goboleedyo ku salaysan hab habeeleed, Kuwaas oo si dadban u hoostagi doono Itoobiya sida hadaba jirta.
Dhawaqa maalmahani ka soo baxayey Siyaayiinta reer Buntland iyo waliba kuwa ay ku daarteen cudurkooda, ayaa waxa uu daliil cad u yahay nooco federaal ee la doonayo in laga hirgeliyo dalkeena Soomaaliya, Kaas oo ah federaalism ku salaysan hab beeleed. Tusaale ahaan, Waxaa la rabaa in la israaciyo wixii isku beel ahba sida hadaba socoto, Taas oo runtii ka fog dowladnimo iyo astaanteeda. Midda kale, goormay wada shaqeeyeen dowladnimo iyo qabiil, mise wuxu waxa ayba noo haystaan adoomo ay Iyagu leeyihiin ? Anigu, waxa aan la hadlayo waa Siyaasiyiinta reer Buntland ee ma’aha Shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.
Dhismaha maamulka Gobolada Dhexe, Waxa uu soo saaray dhaqamada ay caanka ku yihiin Siyaasiyiinta reer Buntland, Kaas oo runtii ka fog dowladnimo iyo wax-wadaagid. Tusaale ahaan, waxa ay sheegi jireen markii la dhisayey maamulka Jubba, in aysan wanaagsaneyn in hab beeleed loo kala qeybiyo degmooyinka Goboladaasi, oo ay markaasi ka taagneyd doodo ku aadan halka ay raacayaan qaar ka mid ah degmooyinka Goboladaasi sida Saakow, Bu’aale, Baardheere, iyo waliba degmada Luuq, Kuwaas oo ay ku badan yihiin beelaha Digil iyo Mirafle laakiin markii ay Mudug timid, Waxa ay ku doodayaan Siyaasiyiintani in ay dow tahay in la kala jaro gobolkaasi maadaama ay ku nool yihiin beelo aan israaci kari !
Waxa uu sidoo kale dhismaha maamul goboleedyada soo saaray nuxurka waxan lagu sheegayo Dowladda ee aan iska dabasocono, gaar ahaan hogaankeeda sida Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kale, Kuwaas oo ku sifoobay karti-xumo, cadaaladdaro, hogaan-xumo iyo waliba jileec aan horay loo arag. Tusaale ahaan, waxaa la waayey siyaasad cad oo loo maro dhismaha maamul goboleedyada, iyadoo la raacayo tilaamaamaha Dastuurka, laakiin waxaadba moodda in taladii loo dhiibtay dad aan ehelba u ahayn sida hadaba muuqata.
Taas waxaa ka daran markii dhismaha maamulada dalka loo gacan geliyey ururo iy dowlado shisheeye sida Kenya iyo Itoobiya oo kale, Kuwaas oo kala dooranayo cidda ay u dooonayaan in ay u qabto hogaanka maamuladaasi, Taasna waxaa daliil u ah wixii ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, Kuwaas oo ay ku soo baxeen Shaqsiyaad ku xiran sirdoonka Itoobiya. Xagee lagu arkay dowlad wareejineysa haybaddii iyo sharciyaddii ay ku taagneyd, maxaase Gabre iyo Afey ka galay maamulada Soomaaliya hadaysan meesha wax jirin ? Midda kale, aaway doorkii Jibuuti ee IGAD ?
Tan kale, waxa sidoo kale banaanka u soo baxay, Waxa ay u taagan tahay magaalada Garoowe ee uu degan yahay Maamulka Buntland, Taas oo noqotay Daaru Nadwadii ku tiilay magaalada Makka ee ka soo bixi jireen qorshayaashii lagula dagaalami jiray Nabi Muxamed (SCW) iyo Asxaabtiisa. Tusaale ahaan, Waxa ay Garoowe martigelisay dhowrkii Sano ee la soo dhaafay shirar ay ka soo baxeen qorshayaal lagu kala qeybinayo Umadda Soomaaliyeed, Kuwaas oo intooda badani ay soo salixi jirtay Itoobiya.  Insha Alaahu mardhan baan ka warami doonaa Daaru-Nadwada Soomaaliya.
Mar hadaysan isla shaqeyn Karin dowladnimo iyo qabiil oo aan horay u soo aragnay tajribadaasi, Hadaba sidee looga hortagi karaa federaalismkan ku salaysan hab beeleedka oo ay waliba Itoobiya majaraha u hayso ? Anigu runtii waan ogaa in ay waxani soo socdaan, waayo waxaan aqaanaa Itoobiya iyo danaha ay ka leedahay dalkan. Tusaale ahaan, Itoobiya ma dooneyso in ay aragto Soomaaliya oo ay ka jirto dowlad xoog leh oo la xisaabtami karta, waana sababtaasi sababta dabada looga riixayo nidaamkan khabiithka ah ee lagu magaabo federaalka.
Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in ay kala aaminbaxeen Shacabka Soomaaliyeed. Bal aan isweydiinee yaa kala aaminbaxay horta ma Shacabka Soomaaliyeed mise Siyaasiyiinta ? Anigu waxay ila tahay in ay kala aaminbaxeen kuwa isku sheega siyaasiyiinta. Inay sidaasi tahayna waxaa daliil u ah sida ay Shacabka Soomaaliyeed ula shaqeeyeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo ka koobnaa beelo kala duwan iyo waliba Ra’isulwaarihii hore ee Farmaajo,  Kuwaas oo lix bilood ku soo celiyey rajo aan horay u jirin
Hadaan u soo laabto su’aasha qormadeena, Anigu waxa ay ila tahay in ay waajib tahay in laga hortago federaalismkan ku salaysan qabiilka inta ay goori-goor tahay, waayo waxaaba nagu filan wixii aan ka aragnay. Tusaale ahaan, maxay soo kordhiyeen maamulada hadda la dhisay oo aan ka ahayn nidaam-daro iyo fowdo siyaasadeed. Tusaale kale, sow naguma filna wixii aan ka aragnay habdhaqanka siyaasiyiinta horbooda Maamuladani, oo har iyo habeenba taagan Nairoobi iyo Adis Ababa. Sow naguma filna hadalkii ka soo baxay wasiirkii Jubaland ee warbaahinta u sheegay in aysan Kenya dhul-badeed ka haysan Soomaaliya.
Sow naguma filna safaradan aan kala joogsiga lahayn ee lagu tagayo xaruntii laga soo burburiyey dalkeena ? Sow naguma filna xafladahan tirada badan ee ay ka lulanayaan calamadan yaabka badan. Sow naguma filna heshiisyadan sharcidarada ee lala galayo maalin kasta Itoobiya iyo wax la mid ah, Iyadoo aysan waxba kala soconin Dowladdii Dhexe ?  Sow naguma filna maamuladan ka aamusan gaboodfalada ay maalin walba geysanayaan Itoobiya iyo Kenya ?  Runtii waxaan qabaa in ay nagu filan yihiin wixii aan ka aragnay federaalism ku salaysan hab beeleed, waa haddan nahay dad weeleynaya dhacdooyinka maalin walba ka dhaca dalkan.
Hadaba sidee looga hortagi karaa shartan soo socota ee ay la wareegayaan dalaaladan wajiyada badan ee ay Garoowe xarunta u tahay ? Runtii markaan dhinacyo badan wax ka fiiriyey, Waxaa ii soo baxday in loo baahan yahay qorshe siyaasadeed oo looga hortago mashruucan ay Itoobiya daadihineyso, Kaas oo Shacabka Soomaaliyeed u bayaaniya qataraha uu leeyahay nidaamkan federaalka ah iyo kuwa iibinayaba. Hadaba waxaan soo jeedinayaa talooyinkan soo socda oo aan is leeyahay waa kuwa muhiim u ah midnimada iyo madax banaanida dalkan baylahda ah :-
1-In la qabto shirweyne ay isugu yimaadaan Waxgaradka Soomaaliyeed sida Culimada, Aqoonyahanada iyo waliba Siyaasiyiinta waxgaradka ah oo looga tashanayo masiirka dalka.2-In Shirkaasi lagu dhiso gole siyaasadeed iyo mid dhaqan si looga hortago nidaamkan khabiithka ah iyo kuwa wata.
3-In golahaasi siyaasadeed ay xubno ka noqdaan siyaasiyiinta uu wali damiirkoodu nool yahay sida Farmaajo iyo Tarsan oo kale.
4-In la qabto mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo federalismka, Islamarkana lagu dalbanayo in dalka laga saaro ciidamada dowladaha dariska ah sida Itoobiya oo kale.5- In laga baxo aamuska iyo cabsida, islamarkaana loo midoobo danaha dalka, Iyadoo shicaar laga dhiganayo  Soomaaliweyn waa himaladeena.
Ugu danbeyn, Waxaan qoramadeyda ku soo gabagabeynayaa qeyb ka mid ah masafa uu tiriyey Alaha u naxariistee Cali Af-yare, Taas oo uu tiriyey muddo haatan laga joogo ku dhawaad afartameeyo sano. Masafadan ayaa la tiriyey xiligii Jibuuti ay halkanka kula jirtay gumeysigii Faransiiska. Abwaanka, ayaad moodda in uu masafadan tiriyey maantadan la jooogo, Waxa uuna yiri :-
” Waxa loo gableeyahay doqontaan wax garanine,
Gowraca sidii hori Soomaali ugu gala,
Gabashadu ma fiicnee yeynaan gun noqonine,
Geesiga ilaahbaa garabkiisa taagane,
Taariikhda guudnino goobihii la soo maray gabal inagu taaliyo,
Ceeb kuma gaboobine, Geyigaan leeyahay gablan yuusan noqonine,
Googooynta iyo qeybta haddaan geeri laga xigin,
Gabadheenu guur iyo gayaan yeeelan meyso’e.”
W/Q: Cabdulaahi Ibrahim