“FAARAX waa wasiir ka awood badan wasiirada kale ee DF sidaa waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyihii hore ee qaranka, Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in wasiirka garsoorka iyo dastuurka, Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu ka awood badan yahay wasiiradda kale.

Xeer ilaaliyaha ayaa xusay in uu Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu ku tuntay sharciga dalka halkii la rabay in uu isaga ilaaliyo wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid dhaawici karta qaranka.

Bidix Wasiiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqaadir midid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud
Bidix Wasiiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqaadir midid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud

Wuxuu sheegay in haddiiba uu wasiir uu xil ka qaadis ku sameen karo xeel ilaaliyaha qaranka intaasi ay muujineyso in wasiirka garsoorka uu ka awood badan yahay wasiiradda kale ee xukuumadda.

Sidoo kale, Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka shaqada looga eryay haddii aan laga laaban in ay soo da-dajin doonto in aqoonsiga yer ee la siiyay dowladda Xasan Sheekh ay caalamka kala laabtaan maadama ay ku tumutay sharciga sidda uu hadalka u dhigay.

Go’aanka uu ku diiday in shaqada looga eryay xeer ilaaliyihii hore ee qaranka ayaa waxaa ayiday golaha addeega garsoorka kuwaasoo sheegay in xubnaha golaha wasiirada aaney shaqada ka eryi karin shaqada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com