Galmudug oo si cad ah uga hortimid qorshe uu wato R/Wasaare Cabdiweli

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa gaashanka u daruuray qorshe ay wado xukuumadda kaasoo ku aadan maamul gobaleed loo sameeyo gobalada dhexe sidda Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka garsoorka maamulka Galmudug Cawke Xaaji Cismaan oo la hadlay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in qorshahaas uusan socon doonin isagoona yiri Galmudug waa maamul horrey u dhisnaa oo aan la rabin in wax laga badalo.

Wuxuu sheegay dowladda in ay rabto in qorshe aan soconeynin ay sameeso isagoona intaas ku daray ciddii rabta in ay maamul dhisato iyada ayey gaar u tahay.

Wuxuu sheegay oo kale in Gamudug aaney diyaar u ahayd in la midowdo maamul kale oo maamulkooda uu la mid yahay Puntland oo kale sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka maamulka Galmudug ka soo yeeray ayaa jawaab u ah hadal uu dhawaan sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumadda kaasoo ahaa in maamul gobaleed loo sameen doono gobalada Galgaduud iyo Mudug, halkaasoo ay ka dhisan yihiin hadda seddax maamul oo kala ah, Ahlu Sunna, Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa mucaaradad xooggan kala kulmeysa maamul gobaleedyada ay ka yagleeleyso qeybo ka mid ah dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com