Xog: Dagaal ka dhex curtay Shirkadaha Maamulka Gobolka Banaadir kadib…

Muqdisho (Caasimada Online)– Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Jeelka dhigay Madaxii Shirkadaha Nadaafada ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxa uu amray xariga Mas’uulkaasi, waxa uuna ka dambeeyay xarigaasi kadib markii Xiisad ay ka dhax oogantay shirkadaha dhanka nadaafadda ee degmooyinka gobolka banaadir.

Xariga Mas’uulkaasi ayaa waxa uu imaaday ka gadaal markii gudoomiyaha gobalku uu dhowaan si la tashi la’aan ah u magacaabay dhowr shirkadood oo ku cusub howlaha nadafada Gobolka isagoona ku qancin ama waxlatashi ah kala sameynin kuwii iyaga ka horeeyay taasina ay sababtay tuhun iyo kalsooni dari markii dambana isu badashay qaab beeleed sida uu ku dooday afhayeenka shirkadda nadaafadda ee ‘’Baarqab’’ Muqtaar Muxudiin Macow.

Muqtaar Muxudiin Macow oo ah Afhayeen Shirkada Nadaafada G/Banaadir, ayaa sheegay in Mungaab uu iska horgeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shirkadaha, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Maamul uu isaga doortay hadana uu isaga xumeeyo, isagoona kala tashan kuwa lasoo dhisay.

Sidoo kale, Muqtaar waxa uu xusay in uu aad ula yaabay markii iyaga oo ogolaanshiyo sharci ah kahaysta gudoomiyaha gobolka Banaadir Mungaab oo uu usii cusbooneysiiyay mid hore oo ay ka haysteen Gudoomiyihii kasii horeeyay ee gobolka Tarsan, si xadgudub ah loo xir xiro madaxdoodii waliba si karaamo qaad ah sida gacan kudhiigleyaal oo kale taas oo uu sheegay in aaney mudney.

Wuxuu carabaabay in hada ay jeelka ku jiraan Mas’uuliyiinta Shirkada oo ay kamid yihiin Gudoomiye Cukaash Maxamad Maxamuud oo ku magic dheer ‘’Baarqab’’ iyo ku-xigeenkiisii C/rashiid Maxamed Cali.

Dhanka kale, Muqtaar Muxudiin Macow waxa uu Tilmaamay in Mungaab uu xiray Madaxii Shirkada Nadaafada ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Gudoomiye Mungaab uu iska horgeynaayo Shaqaalaha taasina ay noqoneyso Mas’uuli daro dhalii sheeda u laabaneyso Gobolka.