DF oo qirtay in diblomaaiyiin Somali ah ay ka dawarsadaan dalalka caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Kaddib markii ay dowladda ku dhawaaqday in la xiray in ka badan 30 saafaradood oo Soomaaliya ay ku lahayd caalamka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan safiiro dawarsanya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xaqiijiyay in ay jiraan diplomaasiyiin dawarsada waddamada caalamka, isagoona tilmaamay in arrintaas ay dowladda ka xun tahay.

Wasiirka ayaa sheegay dowladda in ay go’aansatay in ay xirto safaarado badan oo caalamka ay ku lahayd kuwaasoo ay u aragtay in xiriir buuran aaney la lahayn.

Safaaradaha la xiray waxaa ka mid ah Germalka iyo Burundi, kuwaasoo loo arkay in aysan waxbo ku turneen.

“Waxaanu rabnaa in aan aragno safiiro la mid ah jaalkooda, oo aaney ka fikireynin mushaarkooda, baabuurka ay raacayaan iyo waxybaaha ay ka sheegi doonaan marka ay asaagood la kulmayaan” ayuu yiri wasiir Beyle.

Burundi ayaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka ah howgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana aaan la ogeyn sidda ay tallaabadan u saameyn doonto ay dowladda irdaha isugu laabtay safaaradii ay ku lahayd caasimada Bujumbura.

Wasiirka arrimaha dibedda mar uu ka hadlaayay sababta ay u qaadeen tallaabada ay ku xireen in ka badan 30 safaaradood oo ay ku lahaayeen caalamka in ay la xiriirto dhaqaale darri la soo daristay dowladda itaalka daran ee taageerada ka heshay beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com