Arag Sawirro: Qaar ka mid ah ciidanka Amisom oo muujiyay muslimnimo

Muqdisho (Caasimada Online)- Inta badan Shacbiga Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in Ciidamada AMISOM ee jooga Dalka Somalia gabi ahaan yihiin kuwa Masiixiyiin ah.

Haddaba Shabakada Caasimada ayaa waxa ay idiin soo bandhigeysaa Sawiro ka turjumaayo Ciidamo ka tirsan AMISOM oo sagootinaayo Bisha Ramadaan islamarkaana ku mashquulsan aqrinta Qur’aanka kariimka.

Sawiro laga soo qaaday Xero Ciidan oo ku taala magaalada Kismaayo ayaa muujinaya ciidamo isugu jira Kenyan , Siiralyoon iyo Burundi oo si jamaaci u aqrinaayo Qur’aanka, waxa ayna yihiin kuwa sooma bisha Ramadaan oo idil.




Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com