Faarax Macallin oo kashifay waxa ay isku hayaan DF iyo Puntland, iyo ‘cuqdad’ hore oo uu sheegay in Deni qabo

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Kenya ayaa ka hadlay waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Faarax ayaa sheegay in madaxwayne Saciid Deni dagaalka uu kula jiro dowladda federaalka uu salka ku hayo doorashadii uu kusoo baxay, oo xukuumadda Soomaaliya ay musharax kale taageeraysay, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inuu noqdo nin ciil-qaba oo weli cadhaysan, iyadoo laga rabey inuu go’aan taariikhiya qaato marka uu hogaanka Puntland ku guulaystay, ee ololihii doorashadu dhamaaday.

“Saciid Deni wuxuu ka kori waayey, shalay waa lagaa horyimid, balse maanta hadii aad soo gashay iyagoo ku neceb waxaa badan kalsoonida laguu qabo, ciil kama kore ha noqon, nasiib xumo soomaali waxay dhahdaa rag waxaa ugu daran ciil kama kore iyo calooshii la ciyaar, waxaana sidoo kale meesha ku jira doorka imaaraadka oo khilaafka hurinaya,” ayuu yidhi Faarax Macallin.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Puntland iyo maamulada kale aysan xaq u lahayn in lagala tashado sharciyadda kala duwan ee kasoo baxaya baarlamaanka iyo dawladda dhexe, balse taas bedelkeeda wuxuu sheegay in maamulada laga rabo sharciga dhankooda kasoo baxaya inuu waafaqo shuruucda dalka iyo dawladda dhexe.

“Xadiisku hadii uu ka hor imaanayo aayad qur’aan ah, daaqadda ayaa laga tuurayaa, madaxda soomaalida waa in la baro shuruucda iyo sida dalalka caalamku ay u shaqeeyaan,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Siyaasiga Faarax Macallin wuxuu sidoo kale ka hadlay faragelinta lagu hayo arimaha Soomaaliya iyo doorashadii madaxwayne Farmaajo.

“Madaxwayne Farmaajo waxaa loo doortay inuu Soomaaliya ka xoreeyo Itoobiya, Imaaraadka iyo wixii aan wadin dan Soomaaliyeed, oo dalka uu xor ka dhigo, Maraykanka waxa uu Soomaaliya ku leeyahay ogolaada/aqbala, dalkooda maka aqbalayaan Maraykanku?”

Faarax Macallin wuxuu sheegay in la dayacay fursad ay Soomaaliya ku heli lahayd iskaashi dhinaca difaaca ah oo turkigu doonayey inuu la galo, sida uu dalka qatar ula galay.

“Turkiga ayaa usoo jeediyey laba sanno ka hor dawladda Soomaaliya inay la galaan iskaashi dhinaca difaaca ah, balse madaxda dowladda Soomaaliya ayaa diiday iyagoo ka baqaya Maraykanka iyo reer galbeedka,” ayuu yidhi Faarax Macallin.