Farmaajo oo kulan gaar ah isugu yeeray wasiirada iyo xildhibaanada G/Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan gaar ah oo dhacaya saaka ku casuumay wasiirada, senatorada iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi.

Kulanka ayaa la filayaa in goor dhow uu ka bilowday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa horkacaya xildhibaanada iyo wasiirada maanta la kulmaya madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xildhibaanadaasi kala hadli doono arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021, maadaama cabasho badan iyo dood ay ka taagan tahay kurasaata xildhibaanada ka soo jeeda dhinaca deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madaxweynaha uu warbixin uu xubnahaasi ka siiyo shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalka Jabuuti.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey muranka iyo qeylo dhaanta ka taagan kuraasta gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo maanta xeerkaasi ay dood adag ka leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.