XOG: Kulan xasaasi ah oo dhex-maray FARMAAJO iyo IMAAMKA Mudullood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii xarunta madaxtooyada kula kulmay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka oo ahaa mid dheer oo qaatay illaa afar saac ayaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya xaaladda dalka, waxaana la isku weydaarsaday hadallo kulul oo si kaftan ah la isugu dhiibay, sida xubno ku dhow Imaamka ay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga walaacsanaa kalanka hadlay Imaamka shirweynaha beesha Mudullood ee la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo sida la sheegay madaxweynaha uu isku dayayo in la baajiyo.

Shirweynaha Beesha Mudullood oo Imaamku iclaamiyay inuu dhici lahaa 27-ka bisha Soonfur oo ku beegneyd 13-kii bishan June, ayaa u baaqday arrimo farsamo, waxaana maalmihii dhowaa xoogeystay qaban-qaabadiisa, ayada oo qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa la sheegay in intii shirka uu socda uu Imaamka ku yiri “waxaan ku cabsi qabaa in Mudullood ay dagaal iyo barakacin ka sameeyaan magaallada,”, hase yeeshee Imaamka ayaa ugu jawaabay “Madaxweyne adba waan la soconaa inaad madaxtooyada kusoo gureyso ciidan kugu beel ah, oo aad ka sifeysay kuwii magaalada u dhashay.”

Dhammaan siyaasiyiinta beelaha kala duwan ee ka qeylinaya muddo kororsiga Villa Somalia, kana soo horjeeda, ayaa la sheegay in beesha Mudullood ay tahay tan walaaca ugu badan ku haysa madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta ay tahay in beesha Mudullood ay hoggaaminayaan siyaasiyiin miisaan culus oo horey madaxweynayaal usoo noqday kuwaas oo ay adag tahay in la laaluusho ama lacag lagu aamusiyo. Sidoo kale inta badan ciidamada dowladda waxay kasoo jeedaan beeshan.

Beesha Mudullood ayaa sidoo kale ah beesha ugu dadka badan ee Muqdisho, waxaana kacdoon kasta oo ay sameeyaan uu noqon karaa mid aysan dowladda xakameyn karin,

“Qaladkii ugu weynaa ee madaxweyne Farmaajo uu sameeyey wuxuu ahaa inuusan ra’iisul wasaare ka dhigin qof Abgaal ah, sababtoo ah muddo kororsiga uu hadda damacsan yahay intan waa ka fududaan lahaa, sababtoo ah hadduu taageerada beeshan haysto kama wel-weleen cid kale,” ayuu yiri sarkaal ku dhow madaxtooyada.

Qaban-qaabada shirka Mudullood ayaa waxaa wada agaasimiyaal kasoo jeeda beesha oo ka tirsan dowladda, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah uu u yeeray madaxtooyada dhowaan, balse ay diideen inay baajiyaan shirka.