Farax Macalin oo si cajiiba uga jawaabay su’aal uu nin Kenyan weydiiyey “Maxaad ugu khafiiftay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageereyaasha gudoomiye ku xigeenkii hore ee Kenya Faarax Macallin, gaar ahaan Twitter-kiisa ayaa su’aal la yaab lahayd weydiiyey oo u dheceysay sidan-

“Mudane sida aad ugu khafiiftay Soomaaliya waa mid dunidan ka baxsan…. Aaway codkaagii Waqooyi Bari….Mandera waxa ay leedahay qaraha ugu wanaagsan. Garissa waa magaalo dalxiis aan laga faa’ideysan. Sidii ayey noogu fududaan kartaa in aan u gaarno/tagno Wajeer? Ka warran haddii aad halkan Hormuud ka noqon lahayd?

Taageerahan ahna muwaadin Kenyan ah, siiba qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn ayaa ka falcelinayey qoraal uu Twitter-ka kula talinayey Faarax Macallin Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre oo ku saabsanaa Kalluunka iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya xilli Madaxweynaha ka qeybgalayey shirkii Blue Economy ee Nairobi todobbaadkii hore ka dhacay.

“Shirka Blue Economy-ga oo kaliya, lacagta sanadkii qofka Soomaaliga cel celis ahaan u soo gashaa waxa ay noqon kartaa $2,500 oo Dollar taas oo sii laba laabmi karta 15-ka sano ee soo socda. Ma aha in ay siiyaan shatiyada/xuquuqda kalluumeysiga shirkada shisheeye. Farmaajo/Kheyre fadlan horumariya waaxdaas oo ciidamo aad leedihiin ku ilaaliya xeebta,” ayuu Faarax Macallin yiri isaga oo arrintaas ka hadlaya.

Hadaba sidee ayuu Faarax Macallin ugu jawaabay muwaadinka Kenyan-ka ah isaga oo u marinaya isla Twitter-ka?

“Kenyan badan ayaa la yaaban sababta aan waqti badan ugu hibeeyey arrimaha Soomaaliya/Itoobiya. Ma hagaajin kartid Kenya adiga oo aan hagaajin Soomaaliya. Ma hagaajin kartid Soomaaliya adiga oo aan hagaajin Itoobiya marka hore. Siyaasadda Geeska waa isku xiran yihiin. Waxaan rejeynayaa in saaxiibadeyda Kenyan-ka ah ay xaaladda fahmayaan.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com