30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Farmaajo oo fal-fcelin yaab leh kala kulmay wada-hadal uu la yeeshay Barham Saalix

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka Soomaalida ee isticmaala barta twitter-ka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay wada-hadal la sheegay inuu dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo iyo dhigiisa dalka Ciraaq Barham Saalix.

Barta rasmiga ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu daabacay xaqiijinta wada-hadalka dhex-maray labada masuul, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan sida looga hortagi karo xanuunka COVID19 iyo iskaashiga ay ka sameyn karaan la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo 367,000 taageerayaal ah ku leh barta twitter-ka ayey dadka ku xiran siyaabo kala duwan uga falceliyeen qoraalka uu madaxweynaha soo qoray oo sidaan u qornaa.

Dadkii ka falceliyay waxaa ka mid ahaa Brahim Abdalle qof ku isticmaala oo soo qoray:

“Madaxweyne oo hada Ciraaq maxaa dan ah oo noogu jirto xiriirkooda waa dal naga liita dhan walba amni haddii la dhaho anaga ayaa 100% ka fiican dhanka nolosha iyo dagnaashaha anaga ayaa ka fiican. Mar walba waxaa la fiiriyaa dadka kaa koreeya lama fiiriyo kuwa kaa hooseeya mudane,”

Abdirahman Farah qof ku isticmaala ayaa sidoo kale soo qoray: “Laba qaawaan isma qaado”

Waxaa jira qof kale oo madaxweynaha weydiiyay goorta uu la hadli doono ra’isul wasaaraha Itoobiya isagoo leh: “Ciraaq xiriikeedu wax ahmiyad ah oo gooni ah malahan haddii la jarane wax dhib ah kuma jiran ee madaxweynuhu gormow qadka kula hadli doonaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia”

Dhannka kale waxaa jira dad badan oo madaxweynaha ku amaanay sida uu usoo nooleynaayo xiriirka wadamada dibadda, gaar ahaan kuwa Carabta, iyadoo Ciraaq la aaminsan yahay inay ka mid tahay dalalka ugu xadaaradda badan dunida.

“Cilaaqaadka Ciraq waan soo dhaweynayaa jaalle madaxweyne muhiimadu maaha dhaqaalaha iyo awoodda maanta ee cilmiga walaalnimada iyo xulufo badsiga siyaasadda intuba waa muhiim,” waxaa sidaa soo qoray Shuceyb Dhuubane.

Qof kale ayaa sidaan soo qoray: “Ciraaq waxay ka mid tahay waddamada caalamka ugu cimriga dheer, waa hooyadii aqoonta, waana wax wanaagsan in xiriirdhow aan yeelanno. Wax tarku maaha caloosha oo laguu buuxiyo ee waa cilmiga oo laguu buuxiyo (Lagu siiyo).”

- Advertisement -

Read more

Local News