FARMAAJO oo war kasoo saaray geerida Qanyare

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Maxamed Qanyare Afrax oo saaka ku dhintay isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumka.

Sidoo kale waxa uu Eebbe uga baryay inuu Marxuum Qanyare ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Maxamed Qanyare Afrax uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Maxamed Qanyare Afrax oo saaka geeriyooday ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni intaba.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com