Kenya oo dalbatay in laga laabto dacwadda ICJ

Nairobi (Caasimada Online ) – Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ.

Ururada Kinoti iyo Kibe oo ay ku mideysan yihiin Qareenada Kenya ayaa tilmaamay in kiiskan uu xadgudub ku yahay Dastuurkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi.

Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi.

Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay Wasiir Monica Juma oo Wareysi siisay BBC-da ay ku muujisay astaamo u muuqda inay Kenya guul-darro uga soo socoto kiiska Badda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ka jawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriiray kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, wareysiga oo muuqaal ahaa waxa ka muuqday welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo isku dhex yaac, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee sheegashada Badda Soomaaliya.

Bisha September ee soo socota ayaa la filayaa in ICJ ay dib u furto dhageysiga dacwaddan, sida lagu shaaciyay War-Saxaafadeed ka soo baxay maxkamaddaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com