FARMAAJO oo shalay soo afjaray tixane eed ah oo dusha ka saarnaa beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xilka madaxweynaha ku wareejiyey Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay 15-kii Bishaan.

Waa markii labaad oo labada nin ku kulmaan munaasabad noocaan ah. Bishii February 2017 ayey sidaan oo kale isugu wareejiyeen xafiiska markaas oo Farmaajo ahaa ninka la doortay.

Xil-wareejinta waxay aheyd waxay aheyd wixii Koowaad oo si siman u soo dhaweeyaan jamaahiirta labada dhicnac.

Madax kala duwan ayaa ka qeybgashay xaflad heer sare ah oo lagu qabtay Villa Somalia. Haddaba sheekadaan waxaan ku eegeynaa waxa ay Soomaalida uga dhigan tahay xil isku wareejintaan nabadda ku dhacday iyo waxa ay Farmaajo uga dhigan tahay.

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay?

Dadka Soomaalida waxay u tahay maalin weyn iyo sawir wanaagsan. Sii socoshada tixanaha dimuqraadiga ah iyo hannaankaan hufan ee xil isku wareejintu wuxuu kaabayaa hannaanka dowladeed ee Soomaaliya, wuxuuna xoojinayaa xeerka dowladnimada.

Tani waa calaamad muujineysa in uusan jirin hoggaamiye Soomaali ah oo awoodda isku dhajin kara. Laxow dowladeed ayaa ka muuqday labada dhinac ee isku wareejisay shalay awoodda dalka.

Cashir fiican ayaa ugu sugan dalal badan oo Afrikaan ah oo aysan dadkoodu weli arag munaasabad noocaan ah.

Maxay Farmaajo uga dhigan tahay?

Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay u tahay munaasabad gaar ah, wuxuu soo afjaray tixane beeleed oo sheegayey in reerkiisu aysan awoodda si nabad ah ku wareejin waligood.

Maalmihii dambe wuxuu Farmaajo muujiyey inuu qurxinayo is ka tagistiisa, taas oo malaha la xiriirta qorshihiisa la xiriirta 2026-ka.

Inkastoo Farmaajo dhaliilo badan loohaayo, haddana sida uu awoodda u wareejiyey una aqbalay natiijada ayay dad badan ku bogaadiyeen.

Wuxuu shalay u soo wareegay guri ku dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo deegaan iyo xarunta siyaasadeed u noqon doonta Farmaajo.

Dadkii ka qeybgalay xafladdii shalay ee ku sugnaa Villa Somalia, waxay sheegeen in sagooyin fiican loo sameeyey madaxweynihii hore, isagoo Villada kaga baxay gaari ay saarnaayeen ilaalo kooban.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u bilaabatay habeenkiisii koowaad ee Villa Somalia, waa madaxweynihii koowaad ee laba jeer hakkaas ka taliya.

Imtixaan culus ayaa hor yaalla, kaas oo ah sida uu isaga dhaqi karo haarihii dowladiisii hore iyo sida uu isku waafajin karo shaqada dowladdii Farmaajo qabyeysay iyo ajandihiisa cusub.