Laba dal oo Yurub ah oo la ogaaday inay si sharci-darro uga kalluumeysteen Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino dhowr ah oo ay daabacday hay’adda Blue Marine Foundation ayaa shaaca ka qaaday caddeymo muujinaya kalluumeysi sharci-darro ah oo maraakiibta qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.

Warbixinada oo ay kala daabaceen OceanMind, Blue Marne iyo Kroll, ayaa tusmeynaya dhaq-dhaqaaq sharci-darro ah oo maraakiibta dalalka Spain iyo France ka sameeyeen badweynta India, ayaga oo aan haysan wax ogolaansho ah oo ku saabsan inay ka kalluumeystaan Soomaaliya. 

Warbixinadan ayaa imanaya ayada oo guddiga kalluumeysiga Badweynta India ee IOTC ay ku kulmayaan dalka Seychelles, ayaga oo ka wada hadlaya sidii loo badbaadin lahaa noocyo ka mid ah kalluunka oo kasii guraya Badweynta India. 

Noocyadaas ayaa waxaa ka mid ah Yellowfin Tuna oo tan iyo 2015 loo kalluumeysanayey si xaddhaaf ah, taasi oo keentay inuu aad u yaraado, waxaana hadda loo baahan yahay in la yareeyo saddex meelood meel si uu dib ugu soo kabto illaa sanadda 2030. 

Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay inaysan wax shati kalluumeysi ah siin maraakiibta dalalka Spain iyo France.

Labadan dal ayaa caddeymaha la helay ay muujinayaan inay badda Soomaaliya ka kalluumeysteen sanadihii 2017, 2018, 2019 iyo 2020. 

Xeebaha Soomaaliya ayaa muddo 14 sano ah waxaa ka shaqeynayey maraakiib ka socay Midowga Yurub oo ay saaran yihiin ciidamo la sheegay inay ka ilaalinyaan burcad badeedda, kuwaas oo fulinayey howlgal loogu magac daray Atalanta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgalkaas soo geba-gebeysay bishii March 2022, kadib markii ay diiday in waqtiga loo kordhiyo, taasi oo aad uga careysiisay Midowga Yurub.