Fiqi: Afar waxyaabood oo aan maanta kusoo arkay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)- Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi oo maanta Villa Somalia u tegay ka qeyb galka munaasabadii xil-wareejinta Madaxwaynaha ayaa soo bandhigay afar sifo oo maanta uu ku soo arkay Madaxtooyada.

Afarta qodob ee Fiqi uu soo bandhigay ayaa kala ah: 

  1. Hawl-wadeenadii, shaqaalihii iyo askartiiba aad ayay ugu faraxsanaayeen isbedelka dhacay iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka iyo xafiiskaba la wareegay. 
  2. Warbaahinta gaarka loo leeyahay oo muddo dheer kadib oodda laga soo rogay oo ayaguna aad ugu faraxsan in xaqqii ay u lahaayeen xog-helidda ay dib u heleen.
  3. Marka laga reebo madaxda hey’adaha kala duwan ee Dawladda oo yimid munaasabadda, waxaan la kulmay dhallinyaro Tiktokley caan ah oo laga casuumay dhanka teamka xilka wareejinayey, taas oo ay ii caddaatay oohinta Tiktok-gu in aysan ahayn jaceyl oo ay tahay oohin gacan ku samays ah.
  4. Waxaa la isweydiinayey saaxiibkii iyo ninkii ku magacownaa milkiilaha oo ka maqnaa munaasabadda, lana sheegayey in uu saaxiibkiis ka tagay inta aanu xilka wareejin, halka Madaxweyne Xasan Sheekh ay garab taagnaayeen saaxiibadiis jidka dheer ay isla soo mareen.

Afartaan qodob ayuu Axmed Macalin Fiqi tilmaamay inuu maanta ku soo arkay Madaxtooyada iyo munaasabadii uu Farmaajo xilka kula wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Axmed Macalin Fiqi oo si weyn u mucaaradi jiray dowladii Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tirsan xisbiga UDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii ololaha xooggan u gashay in sanadkaan Xasan guuleysto.