Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo sheegay arirn ay ka doonayaan Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiinta Soomaalida ee ka tirsan dowladda Kenya oo ka hadlay isbadallada siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya ayaa sheegay arrin ay ka rabaan inay sameyso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa isagoo ka qeybgalayay munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha la toortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka dhacday Nairobi wuxuu u waramay Idaacadda VOA, isagoo sheegay inay aad ugu halmbalyeenayaan madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyey sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyey madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan u tahniyadeenayaa madaxweynihii hore oo sida sharafta leh oo fiican mas’uuliyadii isaga wareejiyey, waxaa nagu jirtay cabsi badan, cabsidaas waxay aheyd amuu khilaafka ka dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaalida ay qaranimada Soomaaliya intay iloobaan ay qarka ka tuuraan, laakiin runtii tahniyad baan u direynaa Soomaalida oo dhan guusha ay gaareen, maadaama ay doorashadii u dhacday si xasiloon” ayuu yiri Yuusuf Xasan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sidoo kale ku baaqay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ka shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan kaloo aad iyo aad u soo dhaweeneynaa in madaxweynaha cusub uu aad uga shaqeeyo sidii labada dal ee Kenya iyo Soomaliya labada dad ee Kenya iyo Soomaaliya, isugu soo dhaweyn lahaa, xiriirkana uu aad u wanaajiyo, sababtoo ah hanti badan oo Soomaaliyeed ayaa taalla Kenya, maato badan oo Soomaaliyeed ayaa meeshaan dagan, mana kala maarmi karaan Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyntii xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya isagoo ku andacooday inay taas keeneyso wada-shaqeynta labada shacab.

Codsiga Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa kusoo aadayo iyadoo Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ay joojisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, waxaana laga yaabaa in dowladda cusub ay fasaxdo.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran