Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabay laba xil oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin, oo horay u soo noqday la-taliyaha amniga qaranka, xilligii madaxweyne Farmaajo.

Xuseen ayaa sanadihii u dambeeyay madax ka ahaa Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal oo isagu uu aas-aasay. Ninkaan ayaa aad u naqdi jiray siyaasaddii uu dalka ku maamuli jiray Madaxweyne Farmaajo oo mar uu la taliye u ahaa.

Waa xilkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay, xilli maanta uu xukunka dalka kala wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ugu magacaabay xilka ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

“Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa goor sii horeysay oo maanta ah wuxuu agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay u soo noqday Senator laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.