Farmaajo oo sheegay inuu mar kale kulan ‘isugu yeeray’ madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.”

Sida ka muuqata qoraalka Dubbe ee ah Ice-break, kulankan ayaa noqonaya mid kalsooni dhis iyo in meesha laga saaro kala shakiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Shirkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Farmaajo uu ugu yeero madax goboleedyada tan iyo markii muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febraayo 2021.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa goor sii horreysay werisay in shirkan ay kasoo shaqeysay beesha caalamka, oo cadaadis xooggan saartay madaxda Soomaaliya, kadib markii ay guuleysan waayeen dadaallo toddobaadyadii tegay ka socday Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa tan iyo labadii maalin ee tegay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, islamarkaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda.

Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in haddii todobaadkan xal uu iman waayo laga yaabo in beesha caalamka ay toos usoo faro-galiso.

Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.