Koox magaalada Gaalkacyo dil ka fulisay oo la qabtaay

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur  (Sanyare) oo xalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen kooxihii ka dambeeyay dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi baarista gobolka Mudug ee maamulka  Puntland.

Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in markii ay dileen in ay isku dayeen in ay baxsadaan laakiin ay gacanta ku dhigeen hay’addaha Ammaanka , islamarkaana ay dhawaan sharciga hor keeni doonaan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay weli baaritaano ka wadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaabnimo.

“Ilmihiinna haddaad ka shakidaan noo keena oo dhaha: ilmahayaga waan ka shakinay ee noo fiiriya bal suu yahay annagu daqiiqad baan ku soo saaraynna” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Puntland  ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada ay ka geystaan kooxda Al-Shabaab oo ah koox ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Africa.