Nabaddoon caan ka ahaa gobolka Gedo oo lagu dilay degmada BELED-XAAWO

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay nabaddoon caan ka ahaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xili uu kasoo baxay masjid ku yaal degmadaasi.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood, wuxuuna isla goobta ugu geeriyooday rasaastuu lagu furay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay ee bartamaha Beled-Xaawo, xiligaasi oo nabaddoonka uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukuday salaadii cishaha. Ciidamo hubeysan ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, halkaasi oo ay baaritaano aan waxba soo kordhin ka fuliyeen.

Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee laf-dhabarka u ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo beegantay xili degmada Beled-Xaawo ay xudun u noqotay muranka u dhaxeeya dowladda dhexe ee madaxdeeda mudo xileedka ka dhamaaday iyo maamulka Jubaland, waxaana murankaasi uu sababay in ay daba dheeraado heshiis laga gaaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

Ma cadda haddii dilka Beeld-Xaawo uu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo inay gaysatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan fulisa dilalka ka dhaca Soomaaliya.