Koox OROMO ah oo diidan maamulka Abiy Ahmed oo xasuuq u geystay Amxaarada

Addis Ababa (Caasimada Online) – Koox ka tirsan mucaaradka Jabhada Oromada Itoobiya ayaa dad ka badan 30 qof ku dishay deegaanka Amxaarada ee galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo Gembel ee ismaamulka Oromada.

Dadkaan oo la sheegay iney isugu jireen kuwo hubeysan iyo shacab ayaa waxaa dhex maray dagaal, kaasi oo salka ku hayo aano qabiil iyo muran ku saabsan dhul daaqsimeed.

Colaadaan oo mudo soo jirtay ayaa sii murjineysa xiisadaha colaadeed ee qowmiyaha Itoobiya dega u dhaxeysa, iyadoo horay loogu caal waayay xal u helida qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi dega oo sanadihii u danbeeyay colaad baahsan u dhaxeysay.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xili dowladda federaalka Itoobiya ay la daalaa-dhaceyso colaada ka taagan ismaamulka gobolka Tigray oo laga soo sheegayo xadgudubyo ka dhan ah xasuuq aadanaha.

Dagaalka Tigray ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyo Amxaaro ah oo uu adeegsanayo Abiy Ahmed, kuwaas oo xadgudubyo isugu jira dil, dhac, kufsi iyo kuwa kale u gaystay Tigray-ga.

Amxaarada iyo Tigray ayaa waxaa ka dhaxeeya naceyb ballaaran oo ka dhashay kadib markii Meles Zenawi oo Tigray ahaa uu xukunka ka tuuray Mengistu Haile Mariam, kadibna markii Tigray ay talada qabsadeen tacaddiyo u gaysteen Amxaarada.