XOG: SHIR dhacaya Sabtida iyo beesha caalamka oo la-wareegtay xal raadinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xalane ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay waddo dadaallo xooggan oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa is-mari waaga ka taagan doorashada ee u dhaxeeya madaxda Soomaalida, ayaga oo markan diyaar u ah inay la wareegaan hoggaanka wada-hadallada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay ka shaqeysay inay mar kale kulan isugu keento hoggaamiyeyaasha Soomaalida, kaddib markii ay fashilmeen dadaaladii socday ee Madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda wadeen ee ahaa in si wadajir ah shirka looga qeybgalo. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in maalinta Sabtida uu dhacayo kulan aan rasmi aheyn ayada oo xubnaha Beesha Caalamka wadaan inay markaan iyaga qaataan doorka isu keenida labada dhinac.

Beesha caalamka ayaa tan iyo xalay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, islamarkaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda.

Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in haddii todobaadkan xal uu iman waayo laga yaabo in beesha caalamka ay toos usoo faro-galiso.

Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.

Golaha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan albaabada u xirnaayeen oo uu warbixin ku siiyey ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM James Swan, waxa ay ku sheegeen in doorasho loo dhan yahay ay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, ayuu goluhu yiri, danta ummada Soomaaliyeed.

Culeyska ayaa ku sii kordhayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii ay guul-darreysatey doorashadii February kadib markii la isku raaci waayey sid ay doorashadu u dhaceyso. Madaxda laba maamul goboleed ayaa sheegey in haddii aanan heshiis la gaarin aysan ka qeybgeli doonin doorashada.

Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.