Xog: DF oo ciidanka Gorgor geyneysa soodinta Puntland iyo Galmudug + Sababta

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Milateriga Soomaaliya ee Gorgor ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmaha soo socdo boqolaal kamid ah ciidankaas la geyn doono qeybo kamid ah gobalka Mudug. 

Ciidankaan iyo gaadiidkooda ayaa la qorsheeyay in la geeyo degaan u dhow Goldogob oo ka tirsan gobalka Mudug. Degaanada ciidankaan la geyn doono ayaa ka tirsan Galmudug hase yeeshee waxay ku yaalaan soodinta Puntland iyo Galmudug. 

Ilo kuwa amaanka ayaa sheegay in ujeedka ciidankaan loo geynayo Mudug ay tahay in culeys lagu saaro Puntland oo kamid ah labada maamul ee diidan ammarada dowladda dhexe ee Soomaaliya ama ay aad u kala fogyihiin. 

Jawi colaadeed iyo saan-saan aan wanaagsaneyn ayaa ka jira Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo meelo kamid ah gobalada dalka,  waxaana aad looga cabsi qabaa isku dhacyo iyo dagaalo dalka ka dhaca. 

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin wararkaan oo aad loo hadal haayo saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale Galmudug iyo Puntland ayaa wali ka hadlin arrintaan.

Puntland ayaa dhowaan ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso deegaano ka mid ah maamulkaas, ayada oo kicineysa shacab loo soo marayo odayaal lacag la siiyey.