FARMAAJO oo war culus ka soo saaray xiisadda NISA iyo shirkadda HORMUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shirkadda Hormuud. 

NISA ayaa shalay xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho, saacado kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen eedo ka dhashay markii NISA ay xirtay shaqaale ka tirsan Hormuud, Axaddii. 

Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka dambeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shuruucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin hay’adda nabadsugidda. 

Dhinaca kale, Hay’adda NISA ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku eedaysay shirkadda Hormuud in qaar ka mid ah shaqaalahadeedu ay xiriir iyo wada shaqayan la leeyihiin argagixisada, eeddaasi oo ay NISA sheegtay inay ku ogaatay baaritaan ay samaysay inkatsoo aysan soo bandhigin.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda.

Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buuxda si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka guud ahaan.

Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan uga hortagno khataraha ummadeed ee nagu wajahan.