Madaxweynihii hore ee Puntland oo geeriyooday iyo Farmaajo oo ka hadlay

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Marxuumka oo maalmahan xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal gaar ah oo ku yaalla Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka ka aas-aasmay.

Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii.

Waxa kale oo uu soo noqday madaxweynihii 2-aad ee Puntland, isaga oo si KMG ah xilka u hayey muddo kooban oo ku siman illaa lix bilood.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii labaad ee Puntland, Maxamed Cabdi oo xalay ku geeriyooday Kenya.

Halkaan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumku.

Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo war ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray ehelladiisa iyo dhammaan Puntland.

Sidoo kale wuxuu marxuumka alle uga baryey inuu ka wraaabiyo Jannadiisa Firdowso.

Madaxweynaha Soomaaliya Halkan hoose ka aqriso:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

-DHAMMAAD-