Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in culimadu soo dhex gasho khilaafka Xisbiyada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo qudbad ka jeedinayey munaasibad Afur iyo casho isugu jirta oo Madaxweyne Muuse Biixi u sameeyay Culimada Somaliland, ayaa wuxuu usoo jeediyay baaq.

Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu Culimada ugu baaqay inay soo kala dhex-galaan khilaafka mudada badan ka dhex taagnaa xisbiyada Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa kale oo uu sheegay in khilaafka xisbiyada ee ku aadan qabsoomida doorashooyinka Somaliland ay ka dambeeyan dawlado shisheeye oo faro-gelin ba’an ku haya, wuxuuna yiri

“Dawlado ayaa ina soo dhex-galay, taasi waata keentay in xisbiyadu heshiin waayaan 14 bilood, markaa si doorasho wanaagsani inoogu dhacdo waxaanu jecel nahay inaad na soo kala dhex gashaan, si dalku hore ugu socdo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Labada xisbi waanu gaarnay heshiis, heshiiskaa macnahiisu maaha inay labada xisbi doorashada galayaan, balse waxaanu ku heshiinay inay doorashadu wakhtigeeda dhacdo oo ay qabtaan guddi cusub oo la mgacaabo oo aan kuwii hore u ahayn”.

Khilaafkan u dhaxeeyay xisbiyada Somaliland ayaa waxa uu noqday mid caqabad ku ah qabsoomida doorashooyinka, isagoona marar badana soo noq-noqday, kaasi oo ilaa haddana aan laga gaarin is-afgarad dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com