Faysal Waraabe oo mowqif aan laga fileyn ka muujiyey xariga Roobow (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, waxa uuna ku baaqay in lasii daayo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharciga ay baal marsan tahay xariga la xiray Mukhtaar Rooboow, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro, oo loo wada sinaado.

Waxa uu sheegay in uu xiranyahay maxkamad isaga oo aan la marsiin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay gef weyn oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gashay sareynta sharciga.

“Waan cambaareynaynaa xariga loo geystay Mukhtaar Roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay magaalada Baydhabo, Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo, sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usii daayaan Rooboow.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com