26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

C/W Gaas oo dafiray xaqiiqda shirkii Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso  (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay in la isku fahmi waayo shirkii magaalada Kismaayo muddada seddexda maalin ka socday kaasi oo natiijo la’aan lagu soo kala tagay.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Boosaaso ayuu sheegay in shirka magaalada Kismaayo uusan kusoo dhamaan wax fashil la yiraahdo, laakiin ay jiraan kala aragti duwanaan madaxda ay muujiyeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirka lala yimid fikrado kala duwan oo  la isku mari waayay, ayna adkaatay in go’aan deg deg ah la qaato maadaama aayaha Soomaaliya laga hadlayay.

“Runtii lama dhihi karo shirkii Guul daro ayuu kusoo dhamaaday, shirka waxaa looga hadlayay aayaha Soomaaliya, laakiin ma ahan mid hal maalin oo kaliya go’aan laga gaari karo, waxaan rajeynayaa in la isku imaan doono”ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay C.welli Gaas in shirka Kismaayo ay la tageen aragtidooda Puntland ahaan, ayna marnaba ka laaban maadaama ay wadeen fikrada laga dhaadhiciyay shacabka Puntland.

“annagana waxaan shirka la tagnay mowqifka Puntland iyo aragtida ay qabaan shacabka Puntland, Shacabka Puntland wey hadleen oo fikradooda wey dhiibtaan, aragtidaas ayaana la tagnay magaalada Kismaayo,”ayuu yiri Gaas.

Jubbaland iyo Puntland ayaa ka mideysnaa fikrada ah in hab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada imaanaya dhamaadka sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News