26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

XOG: Puntland iyo Jubbaland oo ogolaaday 4.5

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa intii uu socday shirka madashay soo jeediyey qorshe ay ku ogolanaayaan in 4.5 wax lagu qeybsado, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Labada maamul ayaa sheegay in ay oggolaanayaan  in Aqalka hoose lagu soo xulo nidaamkii hore ee 4.5 sida labada maamul ee kale ay doonayaan, balse waxay ku xireen shuruud ah:

• In la saxiixo in aan mar danbe dib loogu noqon karin 4.5 oo ay tahay markii u danbeysey

• In Dowladda imaaneysa loo sameeyo Road Map ku aadan gaaritaanka doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020.

Qorshaha Puntland iyo Jubaland ayaa durbaba waxaa diida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo doonaya 4.5.

Ugu dambeyn ayaa shirka lagu kala tagay, ayada oo dhinacyada ku dheggan 4.5 ay ku adkeysanayaan in wax kale aysan qaadan karin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News