Gaas oo jawaab deg deg ah ka bixiyey casuumaaddii madaxweyne FARMAAJO

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in puntland aysan diidaneen qeybgalka shirka dowlada dhaxe ay ugu baaqday Maamul-Goboleedyada, balse waxaa uu tilmaamay in dhaw jeer oo hore shirar ay Muqdisho u yimaadeen, islamarkaana aan wax qodobo ah ka soo baxay shirarka lagu qabtay Muqdisho.

Cabdi Weli Gaas Madaxweynaha Puntland  ayaa sheegay in hada xal raadin  ay wadaan Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in mar walba ay diyaar u yihiin in la soo afjaro khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada.

Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee fadhigeeda yahay Muqdisho ayuu sheegay inay ka war sugayaan dhex dhexaadinta iyo howsha uu wado Aqalka Sare, isagoo mar kale calaamad su’aal geliyay inay Muqdisho imaanayaan iyo in kale,

“Dowlad goboleedyada waxay u taagan yihiin nidaamka dowliga ee Federaalismka in la ilaaliyo, dhul badan ayay mas’uul ka yihiin waa in lagu ixtiraamo oo lagyla shaqeeyo, waxyaabaha ka socda Koofur Galbeed iyo Galmudug waxaa moodaa in aysan sax aheyn, oo aan nidaamkii la rabay aan loo maareyn”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd waxa ay ku diidan yihiin martiqaadka loo fidiyay ayuu sheegay in aanay diidaneyn casuumaada, balse dhowr jeer la wada hadlay go’aamo horay loo gaarayna aanay waxba ka fulin.

“Dhowr jeer oo horay shirar la isugu yimid go’aamo la gaaray, go’aamadaas waxba kama hirgelin, marka waxay noqotay in la isu imaado oo wada hadlo, hadana go’aamo kale la gaaro, hadana la fulin waayo waqtina sidaas ku dhamaado, waxay tareysa ma jirto oo aan aheyn in daraf saddexaad la helo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu sheegay inay wanaagsan tahay in la wada hadlo oo la heshiiyo, balse loo baahan yahay in si dhab ah loo wada hadlo cida doonta daraf sadexaad ha gasho, isagoo xusay in shuruudooda aanay aheyn kaliya faragelin shisheeye.

“Faragelin shisheeye muhiim ma ahan, meel aan uga hadalnay ma jirto, hada Aqalka Sare oo matal dowlad goboleedyada oo dad Soomaaliyeed ah nidaamka Federaalka saldhig u ah ayaa waan waanta galay, waana soo dhoweynay, haddii ay dhankaas ka ogoleysiinayaan in la heshiiyo wax dhibaato ah kuma jirto anaga diyaar ayaa u nahay howshaas inay dhex dhexaadin ka noqdaan”ayuu yiri C/weli Gaas.

Mar la weydiiyay inay Muqdisho u imaanayaan gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha ayuu sheegay in go’aankii horay uga soo baxay uu sidiisa yahay, wax laga laabtay aanay jirin, howsha dhex dhexaadinta ay Aqalka Sare ku jiraan, ayna ka war dhowrayaan.

War saxaafadeed ka soo baxay xalay Villa Soomaaliya oo ku qornaa hadalo dabacsanaan iyo tanaasul ayaa maamul goboleedyada lagu martiqaaday shir wadatashi ah oo lagu dhammeynayo tabashooyinka ay qabaan, iyadoo markii labaad ay tahay Madaxweynaha uu shir ugu baaqo maamul goboleedyada.

Lama oga go’aanka Maamul goboleedyada ka qaadan doonaan baaqa cusub ee Madaxweynea Farmaajo, iyadoo shirkii bishii September uu isugu yeeray ay ku gacan seyreen, iyagoo shuruudo ku xiray.

Halkaan hoose ka dhageyso: 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com