Gabar lagu magacaabo Xaawo Cali oo si layaab leh ‘isugu guursatay’ labo nin

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa aad u faaftay sheeko la yaab leh oo ka dhacday dalka Nigeria, midaasi oo ah in Haweenay qudha ay wada guursadaan labo Nin.

Xaawo Cali Mariri, waa haweenayda ay wada qabeen labada Nin, sida lagu sheegay Warbixin la yaab leh oo ay soo gudbisay BBC-du.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Waqooyi ee dalka Nigeria ee Kano, halkaasi oo Booliska dalkaasi ay ku baadhayaan waxa ka jirra Kiiskaasi oo uu soo gudbiyay Bello Ibraahim, oo ah Ninkii u horeyay ee guursaday Xaawo Mariri.

Haweenaydan oo da’deeda lagu sheegay 32-jir ayaa waxay guursatay Nin kale xili uu Ninkeedii hore uu uga maqna Safar, sida uu booliska Shareecada ee gobolkaasi u sheegay Bello Ibraahim.

Xaawo Mariri ayaa iyadu ku doodeysa in uu Ninkeedii hore furay, isla markaana ay sidaasi u guursatay Ninka labaad oo lagu magacaabo Bala Abdusalam, halka uu Ninkeedii koowaad uu Booliska u sheegay in uusan furinba.

Bala Abdusalam oo ah Ninka labaad ee haweenaydan guursaday oo wax laga weydiiyay Kiiskan ay baaristu ku socoto, ayaa sheegay in Xaawa u sheegtay in la furay oo uu sidaasi darteed u guursaday.

“Waxa uu yiri waan ku furay ka hor inta uusan magaaladiisa u safrin. Taasna waa sababta aan Bala u guursaday, waxaan dareemay inaan ahay haweeney xor ah kaddib markii uu I furay,” ayey tiri Xaawa Mariri.

Furiinka waqooyiga Nigeria ayaa lagu cadeeyaa cod la duubay ama waraaq la qoro, midaasi oo cadeyn u noqoneysa furniinka labada qof.

Xaawo Mariri ayaa wajahi doonta ciqaab adag, haddii ay waydo cadeyn uu Ninkeedii hore ku furay, maadama uu gobolkaasi yahay mid lagu dhaqo shareecada iyo qanuunka Islaamka.

Waxa sidoo kale isaguna Ciqaab kale wajahi kara Bala oo ah ninka labaad ee ay guursatay haweenaydan, kaasi oo lagu qaadi doono ‘Kaxeysashada xaas nin kale’.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Muslima, midaasi oo si weyn u faaftay, inkasta oo ay ilaa hadda aysan waxba kala cadeyn, maadama ay Boolisku ku howlan yihiin baarista Kiiskaasi.