GALMUDUG oo war ka soo saartay dagaallo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixisay dagaallo u dhexeeyey ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isku dhinac & Al-Shabaab oo shalay ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Dagaallada ayaa xoogoodu waxa ay ka dhaceen tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bulacle oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Warka ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalladaasi ay ku digeen illaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, dhankoodana ay uga geeriyoodeen ugu yaraan 3 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay la wareegeen tuulada Ceel Cali-Mire oo koonfur bari ka xigta magaalada Dhusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaalladaasi, waxaana ay shaacisay inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyada oo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaano hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ayaa ciidamada huwanta waxay howl-gallo ka bilaabeen duleedka Dhuusamareeb oo ay weeraro ka soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.