Dowladda Turkiga oo bixisay qeyb ka mid ah deyntii ay IMF ku lahayd Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa bixisay lacag gaareysa 3.4 milyan oo dollar oo ka mid ah deynta ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ku leedahay Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda Ankara.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka HIPC ee Bankiga Adduunka iyo IMF ee lagu caawiyo dalalka ay deymaha la dageen ee saboolka ah.

Turkiga ayaa noqonaya dalkii 116-aad ee gacan ka gaysta sidii Soomaaliya looga tir-tiri lahaa deynta lagu leeyahay oo markii hore dhameyd 5.2 bilyan oo dollar. Lacagtaas ayaa qeybo ka mid ah la bixiyey horraantii sanadkan, waxaana hadda haray 3.7 bilyan oo dollar.

Deynta laga cafinayo Soomaaliya ayaa gacan ka siineysa inay hesho taageero maaliyadeed oo cusub oo ka imaneysa dalalka deeqda bixiya, si ay ugu guuleysato hadafyada ay ku sameyneyso isbeddelada dhaqaale.

Turkiga ayaa saaxiib iyo xulufo wanaagsan la ah Soomaaliya, waxaana bixinta dyenta ka sokow ay Soomaaliya ka caawiyaan miisaaniyadda sanadlaha ah ee dowladda, tababarka ciidamada, iyo mashruucyo kale.