25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ganacsade lagu dilay Mag. Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wararka laga helaayo degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkas lagu dilay nin ganacsae ah kaasoo deganaa xaadafada SOS ee ka tirsan degmadaas.

Koox dhalin yaro ah oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay Marxuumkaan xabado kaga dhufteen Madaxa isaga oo ku sugan meel u dhaw gurigiisa isla markiina ay halkaas ka baxsadeen

Ciidamada Amaanka Heliwaa ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay ka dib markii uu falka dhacay waxa ayna halkaas ka sameeyeen baaritaano man jirin cid loo soo qabqabtay.

Ilaa iyo hada majirta cid si cad u sheegtay sababaha ka danbeeyay dilka Ruuxaan iyadoo eheladiisa sidoo kale aysan ka warbixin wali,inta badan dilalka noocaan oo kale ah ayaa ku badan degmada Heliwaa.

Maamulka Degmada Heliwaa ayaa waxa ay sheegeen in wali ay wadaan howlgaladii lagu baadi goobayay dadkii ka danbeeyay dilkaas ilaa iyo hadana ma jirto cid ay soo qabteen.

- Advertisement -

Read more

Local News