Ganacsatada G/Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda Maxaa kala heesta ? hadalo kala Duwan ayay soo saareyn.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wali xal lagama gaarin, mana muuqato rajo ama calaamado muujinaya in la xaliyo khilaafka Ganacsatada iyo Dowladda, dhinac walba oo arintaan ay khuseysa ayaa ku biiray waxa uuna kaga haray meel dhexe, Guddiyada Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa ka sii daray markii ay arinta guda galayn oo ay Sharci darro ku tilmaamayn.

Guul daradii ugu dambaysay ayaa soo ifbaxday shalay kadib markii ay Guddiga Ganacsatada gobalka Banaadir ay shaaciyeen in uu fashilmay wadahadalkii u socday Ganacsatada iyo Wasaaradda maaliyadda, hadalkii ganacsatada waxaa mid ka duwan soo saartay maanta wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkii Jaraa’id ee Ganacsatada ayaa waxa ay ku sheegeyn in uu fashilmay wadahadalkii u dhaxeeyay Guddi ka socda Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda, walina aan xal loo heyn murankaas iyagoo madaxda Dowladda ka dalbaday in ay ganacsatada ka qaadaan culeeska lagu soo rogay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Baylle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu guuleestay wadahadalkii u socday Ganascatada iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in labada dhinac isku fahmayn qaabka qaadista Canshuurta oo maalmihii la soo dhaafay dood ka taagneed balse xaqiiqda ka fog markii loo eego hadalkii ganacsatada ee shalay ka soo baxay.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay saameyn balaaran Dowladda ku yeelatay hakadkii ku yimid shaqada Dekadda mudadii muranka jiray sidoo kalane ay saameyn kale ku yeelatay joojintii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha walina waxaa muuqda murankii taagnaa oo aan xal loo helin.

Lama oga sida loo xalin doono iyo cidda xalin doonta mar hadii dhinacyadii ay arinta khusaysay aysan wali ka natiijo keenin muranka ganacsatada iyo Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya kaas oo soo taagan muddo ku dhaw 35 cesho.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com