Halis weyn oo ka dhallan doonto heshiis qiyaano ku ah Sharciga Canshuurta dalka oo ay wada galeyn Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda ?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiis qiyaano ah ku sharciga Canshuurta dalka la galay Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna dhigayaa heshiiskaas in xubnaha Baarlamaanka laga dhigo cansuurta  laga qaado 10%.

Xil dhibaanada ayaa heshiis la galeen wasiirka maaliyada ayagoo laga dhimay canshuurtii laga qaadi jiray halka iyagana ay wasaaradda culeeska ka qaadeen si dacwad ka dhan ah wasaarada loogu soo oogin madaama ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ay dhabarka ka saareen canshuur adag.

Sida shacrciga canshuuraadka Soomaaliya uu dhigaayo waxaa ku qoran in dhamaan shaqaalaha ay bixiyaan canshuurta marka laga reebo kuwa mushaarkooda ka yar yahay $200 bishii.

Saamiga shacriga canshuurta wuxuu dhigayaa qofkii mushaarkiisa la egyahay $1500 bishii waxaa qasab ku ah %18 daqliga soo galo canshuur ah laga qaado.

Laakiin xil dhibaanada oo bishii qaataan $3000 mushaar ahaan iyo $1000 oo guno ahaan loo siiyo si ay amaankooda ugu hagaajistaan waxay bixiyaan 8% canshuur ah daqliga soo galo.

Heshiiskan waxaa xaqiijiyay kana shaqeeyay baarlamaanka qaybta ama gudiga dhaqaalaha (Maaliyadda) qaabilsan ayagoo arinkaan ka dhameesteen wasiirka maaliyada  intii laga shaqeenayay dajinta miisaaniyad dhexeedkii  2017.

Haddaba Heshiiskaan ayaa waxaa ka dhallan karo arrin qatar ku ah qaaditaanka Canshuurta dalka, maadaama Baarlamaankii matalayey shacabka Soomaaliyeed uu bilaabay inuu dantiisa kaliya fiirsado isla markaasna uusan ka shaqeyn danaha dalka iyo Shacabka.

Heshiiskaan ayaa keeni karo inay Shacabka Soomaaliyeed ka niyad jabaan bixinta canshuuraadka dalka Maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu diiday bixinta tirada rasmiga ah ee canshuurta laga rabay.

Heshiiskaan qiyaanada ku ah Canshuuraadka dalka ayaa si cad u muujinayo in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ay si cad ugu tunteen sharciga Canshuuraadka dalka oo qabo sida hoos ku qoran:

Nidaamka Canshuurta Daqliyada Soomaaliya:

Mushaar ($) Canshuurta (%)
0-200 wax canshuur ah lagama qaado
201-800 6
801-1500 12
1501 iyo wixii ka sareeyo 18

 

“Xildhibaanada ma ahan kuwo astaan wanaagsan u taagan waayo kaliya dantooda ayay ka shaqeenayaan, waxaa qasab ahayd inay bixiyaan canshuurta sharciga kusoo rogay lana qeybsadaan shacabka bixinta canshuuraadka” Sidaas waxaa dhahay shaqaale ka tirsan hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn.

Wuxuuna sii yiri “Aadban u careesanahay waayo $1800 ayaan bishii mushaar ahaan u qaataa waxaana bixiyaa canshuur ka badan midda ay xil dhibaanada bixiyaan, kuwaas oo iga hodansan iyagana awood badan una shaqeenayaan naftooda laakiin aan shacabka danahooda ka shaqeyneyn”.

Cabdulqaadir Nuur Xuseen oo ah waaya arag usoo joogay dowladihii Soomaaliya soo maray ayaa sheegay inay tallaabadaan tahay mid uu la yaabay isla markaasna ay muujineyso in Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay kaliya matalaan calooshooda oo aysan shacabka Soomaaliyeed matalin wuxuuna Yiri:

” Adeerow arrintaan waa mid lala yaabo, waxaa cadaatay in Xubnaha Baarlamaanka ay matalaan calooshooda oo aysan shacabka Soomaaliyeed matalin, waxaana ku tallin lahaa in dhammaantood shaqada laga eryo, waxay iloobeen inay yihiin shaqaale u shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed”

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com