Garab musharaxiinta ka mid ah oo la kulmay Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/21, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug & madaxweynaha maamulkaasi Axmed Qoor Qoor oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyey musharraxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mustaf Dhuxulow iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada looga saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada ka shaqeynaya doorashooyinka 2020/2021.

Ilo ku dhow kulankan ayaa sheegay in musharrxiintan ay la wadaageen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan doorashada.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in musharraxiinta ay ka dalbadeen Qoor Qoor inuu dib ugu noqdo guddigii uu soo magacaabay oo la sheegay inay ku jiraan xubno ay soo qorotay dowladda federaalka oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo nabad sugid.

Dhankiisa Qoor Qoor oo madasha ka hadlay is-difaacay, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay kalsooni muujiyaan, islamarkaana ay isagu aaminaan.

Intaasi kadib labada dhinac ayaa ku ballamay kulamo kale, gaar ahaan casho sharaf uu gurigiisa ugu sameyn doono madaxweyne Qoor Qoor, si loo sii wado wada-hadallada.

Arrintan ayaa ka dambeysan, kadib markii musharraxiinta uu shalay shirka uga furamay magaalada Muqdisho ay isku qeybiyeen labo garab, kuwaas oo kala wajihayo maamullada Galmudug iyo HirShabelle, gaar ahaan guddiyada ay soo magacaabeen.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana caasimada ka socda shirar siyaasadeed oo iska soo horjeedo, loogan arrinasano doorashooyinka dalka.