Gargaarkii Beledweyne la geeyey oo suuqyada lagu iibinayo iyo dad loo xiray

Beledweyne (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ka socdo gargaar loo fidinayo qoysaska ku barakacay fatahaadaha ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid lagu leexsaday raashiinka gar-gaarka oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka barakacay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in la arkay bakhaarro si musuq maasuqa loogu xareeyay raashinkii loogu tala galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaadu ku ceyrteeyeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee qeybteeda 27aad Dhame Maxamed Cabdulqaadir Maxmed ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen dadkii loo soo qabtay falkaas sharcigana la hor geyn doono.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in lagu soo war galiyay in la leexsanayo gargaarkii loogu tala galay dadka reer Beledweyne, kadibna howlgal ay fuliyeen ay ku soo qabteen ruuxii lahaa Bakhaarka lagu xareeyay raashinka iyo dadkii watay gaadiidka la qabtay ee uu ku rarnaa raashinka la leexsaday, isagoo intaas ku sii daray in ay ku raad joogaan dad kale oo lala xiriirinayo musuqa lagu kacay.

Waxaa jiro shakhsiyaad hey’ado ka faa’ideysto fursadaha noocaan oo kale kuwaas oo musuq maasuq ku sameyso caawinaadda loogu talagalay dadka dhiban ee loo gargaarayo.

Tallaabadaan ayaa la filayaa inay yareyso ugu yaraan musuq maasuq baahsan ee ka socdo gargaarka loogu talagalay dadka Reer Beledweyne oo ay saameynta xoogga leh ku yeelatay fatahaadaha uu sameeyey Wabiga.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxda maamulka Hirshabeelle ay degmada Baladweyn geeyeen ciidamo Booliis ah kuwaas oo loogu talo galay ka warqabida gurmadka iyo in ay ka ilaaliyaan dadka dhaca ugeysta gurmadka loogu talogalay dadkii ku barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com