24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Gedo oo lagu soo bandhigay 3 dagaal-yahan oo isaga baxay kooxda Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee gobolka Gedo oo kaashanaya maamulka dagmada Beled-Xaawo ayaa soo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen iney kasoo baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Raggaan la sheegay iney isi soo dhiibeen waxaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay  Qori AK47 & Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo, taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin iyo taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa kusoo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo.

Saddexdaan shaqsi waxey Al-Shabaab u qaabilsanaayeen iney uga shaqeeyaan deegaanno ka tirsan goobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse haatan waxey ku jiraan gacanta ciidanka dowladda.

Dhawr jeer ayey horay u dhacday in dagaalyahanno kasoo baxay Al-Shabaab ay kusoo biiraan ciidanka Dowladda, sidoo kalana waxaa mar dhacday in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay qudhooda soo bandhigeen rag ay sheegeen iney kasoo baxeen ciidanka Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geystay gobolka Gedo, waxaana jiray maalmahii ugu dambeeyay xiisado u dhaxeeya ciidamada Kenya ee aan ka mid aheyn kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo dadka deegaanada xadka labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60