Go’aankii Golaha PSC oo muujiyey sida aan loo rabin in Soomaaliya ay dhaqaaqdo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa Khamiistii November 24, 2022, ka codsaday Soomaaliya in dib loo dhigo ilaa June 2023 bixitaanka laba kun askari oo ka tirsan hawlgalka ATMIS. Inta aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) soo bandhigin mawqifkeeda, ayay warbaahinta xaqiiqdii rogtay.

Nasiibwanaag, dib u dhigista ma beddeli doonto gabi ahaanba taariikhda ay dalka ka baxayaan (December 31, 2024), balse waxay qasbaysaa in jadwalka hawlgallada marxaladda kalaguurka ATMIS dib u eegis lagu sameeyo. Arrinku wax kale ma ahee waa bakaylihii Soomaalidu tiri: “intuu bur ku jiruu bur kale daydaydaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal ballaarn oo aan kasoo noqosho lahayn kula jirta argaggixisada. Waxaa dhiirrigeliyay dagaalka dadweynaha gobollada dhexe ee dalka oo uu  hormuud u yahay shacbiga Hiiraan oo muujiyay in laga guulaysan karo Khawarijta.

Hase yeeshee, afar bilood kaddib markii dagaalka masiiriga ah soo bidhaamiyay guul, ayaa Guddiga Nabadda iyo Amniga iclaamiyay inuu uga baahan yahay Midowga Afrika (MA) oo kaashanaysa Qaramada Midoobay, Dowladda Soomaaliya iyo inta wehlisa warbixin wadajir ah bartamaha Febrayo 2023.

Guddiga wuxuu kaloo weydiisanayaa in warbixinta ay xambaarsanaato qiimayn farsamadeed ee horumarka ATMIS ka samaysay bartilmaamayadii lagu heshiiyay. Wuxuuu misna hoosta ka xarriiqay inay warbixintu soo jeediso talooyin la xiriira dib u eegista wejiyada fikradda saldhigga u ah jadwalka hawlgallada (CONPS, concept of operations).

Soomaaliya waxaa ku sugan 20 kun oo u bandan askar kana kala socda dalalka Buruundi, Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, iyo Uganda. Deeq-bixiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ATMIS ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin in ilaa 4000 laga dhimo askarta iyo shaqaalaha rayidka ahba inta ka horeeysa December 31, 2022, taasoo Midowga Afrika ka cagajiidayo. 

Hawlgalka oo billowday January 2007-kii, ayaa ah  mashruuc aan xiiso loo qabin. Golaha Amniga iyo Ururuka Midowga Yurub oo tunka saartay 90% culayska gunnooyinka askarta iyo kharashyada kaleba ayay u badan tahay inay ka baaraandegi doonaan saamaynta ka dhalan karta beddelka jadwalka bixitaanka (December 31, 2022) wajiga koowaad.

Waxaa cad in Midowga Yurub iyo dalka Biritin (Britain) ay kasoo soo horjeedaan inay Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo damaanad qaadi kara tiro iyo tayaba ammaanka dalka iyo soohdimihiisaba. Taas waxaa u daliil ah hantida lagu bixiyo amniga loo gacangeliyay ciidamo fadhiid ah iyo shisheeyaba.

Malaha waxa oo idil waa wax laysla og yahay haddii kale Guddiga Nabadda iyo Ammniga Afrika kuma dheceen inuu sidaas u hadlo iyadoo Midowga Yurub uu kharash – mushaar iyo qalabba leh ku bixiyo ciidan adduunka oo idil u jeedo inay u joogaan mushaar uun. Maba la rabo malaha inay Soomaaliya iska xurayso afduubka ay ugu jirto argaggixisada.

Waa maragmaddoonto in ciidamada Kenya oo si sharcidarro ah kusoo galay dalka abaalmarin looga dhigay in lacag adag ku qaataan dalka ay qabsadeen. Dadweynaha Soomaaliyeed badidsiisa, ayaa aaminsan in ATMIS u joogin amniga Dalka, balse qayb ka tahay mashruuca afduubka.

Midowga Afrika oo ciriiri kala kulmay maaliyaddii lagu masruufi lahaa AMISOM kuna hungoobay dhaqaalihii uu ka raadsaday Shiinaha, Ruushka, iyo Khaliijka Carbeed, ayaa AMISOM magac ahaan ugu rogay ATMIS Abril 1, 2022 oo aan wax badan ka duwaneen.

Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in lagu dhaqmo qorshaheeda kala guurka oo qeexaya yoolal tififtiran oo mas’uuliyadda amniga dalka tillaabo tillaabo loogu wareejinayo ciidanka qaranka inta ka horeeysa December 31, 2024. 

Shakiga laga qabo baahida loo qabo hawlgalka aan horumar micna leh ka sameyn shan iyo toban sano xakamaynta argaggixisada ayaa sii kordhaysa. Sidoo kale, waxgaradka dalka ayaa rumaysan in maaliyadda mugta leh ee ku baxda hawlgalka qiimaha beelay uu ku habboonaan lahaa in lagu bixiyo ciidamada dalka. 

Si kasta ha ahaate, Dowldda Xasan Sheekh Maxamuud sidii tii ka horraysay oo kale ma garawsana in dadweynaha uu xaq u leeyahay inuu ogaado halka dalka lagu wado. Warbaahinta waxay weli ku wareersan tahay safaraddii iyo heshiisyadii uu madaxweynaha la galay dalalka uu tagay ee aan la soo bandhigin.