Go’aano xasaasi ah oo laga soo saaray doorashada iyo saami-qeybsiga Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaannada laga soo doortay gobolka Awdal ee ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aamo xasaasi ah, iyaga oo dalbaday in la furo dastuurka, si loo saxo nidaamka saami-qaybsiga.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in dib-u-eegis lagu sameeyo goobaha codbixinta gobolka Awdal, lana kordhiyo, sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo warbaahinta u akhriyay go’aamada ay soo saareen.

“Dastuurka dalka in la furo ayaa Waxaan go’aaminay, laguna caddeeyo beelaha Somaliland sida ay wax u wada yeelanayaan, in la saxo, lagana heshiiyo habka saamiga kuraasta sharci-dajinta, fulinta iyo mashaariicda horumarineed,” ayuu yiri Xildhibaan Maydhane.

Waxa uu intaas kusii daray “Tirada goobaha codbixinta waa in la kordhiyo gobolka Awdal, looguna daro 80 goobood, habka tirinta codadkuna waa in ay noqotaa hal dheeri, oo lagu kala baxo hal dheeri.”

Sidoo kale waxay dureen soo-jeedintii dhawaan ay soo saareen odayaasha dhaqanka ee ayideen mucaaradka iyo xukuumadda, “Marka ku qanacnay in go’aamada la qaatay doorashooyinka soo socda keeni karaan nabadgelyo xumo si fudud ku timaada, oo si fudud uga bilaabata gobolka Awdal.”

Ugu dambeyntiina waxay dalbadeen in go’aamada ay soo saareen saxiixaan madaxda saddexda xisbi ee Somaliland, kadibna qaraar gole lagu soo saaro, si ay meel mar u noqoto soo-jeedintooda.

Si kastaba, Siyaasiyiinta gobolka Awdal qaarkood ayaa ku qanacsanayn in doorashada madaxtooyada laga reebo ururrada, inkasta oo odayaasha dhaqanka gobolka ay horay u taageereen tallo soo-jeedintii guddida dhaqanka ee doorashooyinka.