Gobolka Banaadir oo war cusub kasoo saaray amarkii lagu soo rogay isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in muddo toddoba maalin ah lagu daray waqtigii uu u qabtay maamullada Isbitaalada Jazeera iyo Yardimeli inay soo wareejiyaan labadaas isbitaal.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay in lagu soo wareejiyo, balse wuxuu sheegay in lagu daray toddoba maalmood oo dheeri ah, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in toddobadaas maalin lagu diyaarin doono qaabkii uu maamulka ula wareegi lahaa labadaas Isbitaal, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maamulada Isbitaaladaas ay ka biyo diideen amarka kasoo baxay Cumar Finish.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal.

Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato.

“Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay maanta.

Hoos ka daawo afhayeenka maamulka