Waa kuma sarkaalka Yaasiin Fareey u diiday inuu tago xafiiska looga taliyo NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta ka taagan xarunta looga arrimiyo hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Habar-Khadiijo.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ee ka jira aagga Isgoyska Jubba oo ay ku taalla xarunta NISA ayaa yimid kadib markii ay maanta ciidamada Duufaan ee Nabad-Sugidda Soomaaliya hareeyeen ciidamo kale oo xarunta ku sugnaa.

Ciidamada Duufaan ayuu qorshahooda ahaa in Yaasiin Fareey oo Madaxweyne Farmaajo xalay u magacaabay Agaasimaha NISA in ay geeyaan xafiiska ugu sarreeya ee hay’adda NISA, balse waxaa la sheegay in loo diiday in uu furto xafiiska agaasimaha, laakiin uu tagay xaruntii uu marka hore ku shaqeyn jiray oo isla NISA ku taalla.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, oo ah ciidanka ilaaliya xarunta taliska ayaa diiday qorshihii Villa Somalia maanta ka damacsaneyd xaruntaas, iyadoo xiisad muddo taagneed kadib ay dib u gurasho sameeyeen ciidankii Duufaan.

Maxamed Xasan, oo ku beel ah ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalkii hadda kahor diiday inuu weeraray hotelka Ma’ida ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa, taasi oo keentay in la xiro, inkasta oo markii dambe lasii daayey.

Ciidanka Waran, ayaa lagu warramay inay si buuxda uga amar qaataan Maxamed Xasan, islamarkaana ay yihiin kuwa hadda haysta xarunta NISA, ayaga oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble.

Xaaladda ayaa wali qasan waxaana dhici karta in isku dhacyo dhaxmaraan ciidamo kawada tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo wajaheysa fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu maanta tago xarunta NISA, waxaana lagu warramay inuu dib u dhigay isaga doonaya inuu xaqiijiyo inuusan dhiig ku daadaan. 

Ciidanka Duufaan ayaa hadda laga dhaadhicinayaa inay isaga tagaan meelaha ay joogaan, haddii kale awood looga saari doono.