Mahad Salaad iyo Fiqi oo ka jawaabay tallaabooyinka uu xalay qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi oo ka wada tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee dalka gelisay xiisadda siyaasadeed iyo midda dagaal.

Farmaajo ayaa xalay xil cusub oo ah la-taliyaha amniga qaran u magacaabay Fahad Yaasiin, halka agaasimaha NISA uu u magacaabay Yaasiin Farey, isaga oo arbushaya go’aankii uu Rooble agaasimaha NISA ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inuu horey u sheegay in Kiiska Ikraan Tahlil ay shirko ku yihiin Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis, haddana ay muuqato inuu kula jiro madaxweyne Farmaajo.

“22 biishii July ayaan qoray in Fahad, Kulane Jiis iyo Yaasiin Farey shirko ku ahaayeen dilka Ikraan Tahliil. Sida Farmaajo u xambaarsanyahay Fahad iyo Yaasiin Farey waxay marqaati fur u tahay in Farmaajo shirka kula yahay jariimadaan,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu tallaabo wanaagsan u qaaday dhanka Cadaaladda iyo Dowladnimada, isagoo eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha waqtiga dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Famaajo.

“Ra’iisul Wasaare Rooble tallaabooyin dhanka cadaaladda iyo dawladnimada ah ayuu qaaday, laakin Dhan kale Nin jecleysi iyo cadaalad ka carar ayuu wadaa! Dalkaan xoog iyo anaa iri horey ayaa looga ducaystay,” ayuu yiri Fiqi.

Hadalada kasoo baxay Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo.