Golaha Shacabka oo guda galay qorshe uu wato madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa shir guddoomiyay kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha.

Kulankan ayaa lagu dejiyey ajandeyaasha ugu horeeya ee kulamada Golaha Shacabka ee soo socda, maadaama hu dhawaan furmay kalfadhiga 4-aad ee golaha.

Xubnaha guddiga ayaa si qota dheer uga dooday ajandeynta kulamada kalfadhigan 4-aad iyo shaqooyinka kale oo muhiim u ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajandeyaasha sida weyn looga dooday waxaa ka mid ah kan wax ka bedelka dastuurka oo xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso in baarlamaanka la hor-geeyo inta lagu jiro kulamada ugu soo horeeya kalfadhigaan.

Ajendaha lagu hor-gey doono baarlamaanka in wax laga bedelo qodobo ku jira dastuurka ayaa ah kan ugu adag shaqada hortaalla BFS, waxaana cirka isku shareertay diidmo culus oo xildhibaanada qaar ay ka qabaan qorshahaan.

Xildhibaanada qaar ayaa sameystay kudlad ay kaga soo horjeedaan in baarlamaanka la marsiiyo qorshaha wax ka bedelka dastuurka, halka xukuumaddu ay olole xoog leh ugu jirto, sidii baarlamaanka loo marsiin lahaa qorshahaan.

Qorshaha cusub ee wax looga bedelayo dastuurka ayaa dhigaya in dalka laga hirgeliyo nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, waxaana meesha laga saarayaa kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, labo xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa lagu soo koobayaa talada dalka, halka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda uu noqonayo shan sano, hadii ay dowladda Xasan Sheekh ku guuleysato inay baarlamaanka mariso heshiiskaan.

Qorshahaan waa heshiis ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, waxaana xusid mudan in Puntland aysan metelaad ku laheyn shirkaas, maadaama Madaxweyne Deni uu mar hore ka baxay golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.