Golaha shacabka oo guddi u saaray xayiraaddii lagu sameeyey xildhibaan Daleys

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi gaar ah u saaray xayiraadii safar ee dhowaan lagu sameeyey, xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo dooneysay inay ka dhoofto gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga xaqiiqa raadinta looga fadhiyo inay warbixin dhameystiran ka keenaan kiiskaasi.

Sidoo kale qoraalkaan oo loo diray guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa lagaga dalbaday guddiga in muddo labo todobaad gudahood ay Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dheeri ah oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay, Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.

Xildhibaanada oo ka hor hadleysay Golaha Shacabka ayaa sheegtay in isniintii ciidamo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya ay is hortaag ku sameeyeen, iyadoo ku sii jeeday gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeda, gaar ahaan degmada Luuq ee gobolkaasi.

Tallaabadan oo ku soo aadeysa, xilli haatan gobolka Gedo ay ka jirto xiisad u dhexeysa dowladda iyo Jubbaland ayaa waxaa si aad ah u cambaarey xildhibaanada Golaha.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka xukuumadda oo ku aadan xayiraada lagu sameeyey, Xildhibaan Daleys, inkastoo NISA ay beenisay eedeynta loo jeediyey.